Friday, April 3, 2020

Taxanaha taarikhda gobolka NFD - Qeybta 2aad

NFD si rasmi ah uguma wareegin gacanta Ingriiska ilaa sannadihii 1920-naadkii, waxana uu u soo maray isku day xooggan oo rabshado watay. Waxana NFD la hoos geeyay nidaam militari.

Sannadkii 1926 waxaa NFD laga dhigay Degmo dhinac kasta ka xiran (Closed District), taas waxaa ku xigtay in sannadkii 1934 laga dhigay Degmo khaas ah (Special District).

Xeerarkii Gumaysigu waxay badaleen qaabka ganacsigii dhexmari jiray dadka ku dhaqan NFD iyo dhulka Jubba oo ay la lahaayeen dekedaha xeebaha Banaadir. Soomaalida ganacsiga adeegsan jirtay waxaa lagu soo rogay shatiyo aad qaali u ah oo aysan awood u lahayn taas oo xannibaad ku noqotay ganacsigii dhexmari jiray dadka Soomaaliyeed. Waxaana gumaystayaashii ay ganacsiga u fududeeyeen ganacsato Hindi iyo Carab ah si ay ula wareegaan ganacsigii NFD. Waxaa taas ka darnayd in la curyaamiyay ganacsigii xoolaha nool ee Soomaalidu u kala gooshin jireen dhulalka Soomaaliyeed ee lakala xannibay.

Sannadkii 1922 waxaa Isiolo laga furay xarun lagu karantiimo lo'ada la soo gelinayo dhanka Kenya, waxaana taas sabab looga dhigan in NFD aysan lahayn dhakhaatiirta xoolaha, arrintaas oo sii socotay ilaa dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib - (Dagaalkii 2aad waxa uu dhammaaday September 2, 1945).

NFD waxay ku negaatay meel go'doon ah, oo ka caaggan horumarinta. Dadka halkaas ku dhaqan oo ah Muslimiin waxaa aduunkoodii badalay ganacsiga beeraha ee reer Yurubkii halkaas soo dagay, oo fidinayay masiixiyadda, faafinayayna luqaddo qalaad. Gumaystayaashii NFD kama hirgelin dugsiyo hoose ilaa laga soo gaaray 1946.

Degaankaas go'doonkiisii waxaa la sii xoojiyay xilligii kacdoonkii Mau Mau ee sanadihii 1950-naadkii markii ay Kikuyu iyo Meru ganacsatadoodii isku dayeen in ay NFD ka soo gataan xoolaha nool, waa laga mamnuucay taas.

Sannadkii 1948 markii NFD laga mamnuucay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) waxay soo afjartay dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ka jiray NFD.

Ilaa 1960 waxaa gumaystayaashii ay Soomaalida aaggaas ku dhaqan ka mamnuuceen inay xitaa yeeshaan urur dhallinyaro. Waxaana NFD laga dhigay meel xitaa ka xiran inta kale ee Kenya.

Laakiin xubnihii ururkii SYL ee u fakaday Soomaaliya waxay sii wadeen xiriirka ay la lahaayeen NFD. Waxaa dhacday inay dukaan ka furteen meesha lagu magacaabo Biskaya oo dhawr kiilomitir u jirta Haddii Taariikhda xoogaa dib loo milicsado:

NFD si rasmi ah uguma wareegin gacanta Ingriiska ilaa sannadihii 1920-naadkii, waxana uu u soo maray isku day xooggan oo rabshado watay. Waxana NFD la hoos geeyay nidaam militari. Sannadkii 1926 waxaa NFD laga dhigay Degmo dhinac kasta ka xiran (Closed District), taas waxaa ku xigtay in sannadkii 1934 laga dhigay Degmo khaas ah (Special District).

Xeerarkii Gumaysigu waxay badaleen qaabka ganacsigii dhexmari jiray dadka ku dhaqan NFD iyo dhulka Jubba oo ay la lahaayeen dekedaha xeebaha Banaadir. Soomaalida ganacsiga adeegsan jirtay waxaa lagu soo rogay shatiyo aad qaali u ah oo aysan awood u lahayn taas oo xannibaad ku noqotay ganacsigii dhexmari jiray dadka Soomaaliyeed. Waxaana gumaystayaashii ay ganacsiga u fududeeyeen ganacsato Hindi iyo Carab ah si ay ula wareegaan ganacsigii NFD. Waxaa taas ka darnayd in la curyaamiyay ganacsigii xoolaha nool ee Soomaalidu u kala gooshin jireen dhulalka Soomaaliyeed ee lakala xannibay. Sannadkii 1922 waxaa Isiolo laga furay xarun lagu karantiimo lo'ada la soo gelinayo dhanka Kenya, waxaana taas sabab looga dhigan in NFD aysan lahayn dhakhaatiirta xoolaha, arrintaas oo sii socotay ilaa dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib - (Dagaalkii 2aad waxa uu dhammaaday September 2, 1945).

NFD waxay ku negaatay meel go'doon ah, oo ka caaggan horumarinta. Dadka halkaas ku dhaqan oo ah Muslimiin waxaa aduunkoodii badalay ganacsiga beeraha ee reer Yurubkii halkaas soo dagay, oo fidinayay masiixiyadda, faafinayayna luqaddo qalaad. Gumaystayaashii NFD kama hirgelin dugsiyo hoose ilaa laga soo gaaray 1946. Degaankaas go'doonkiisii waxaa la sii xoojiyay xilligii kacdoonkii Mau Mau ee sanadihii 1950-naadkii markii ay Kikuyu iyo Meru ganacsatadoodii isku dayeen in ay NFD ka soo gataan xoolaha nool, waa laga mamnuucay taas.

Sannadkii 1948 markii NFD laga mamnuucay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) waxay soo afjartay dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ka jiray NFD. Ilaa 1960 waxaa gumaystayaashii ay Soomaalida aaggaas ku dhaqan ka mamnuuceen inay xitaa yeeshaan urur dhallinyaro. Waxaana NFD laga dhigay meel xitaa ka xiran inta kale ee Kenya. Laakiin xubnihii ururkii SYL ee u fakaday Soomaaliya waxay sii wadeen xiriirka ay la lahaayeen NFD. Waxaa dhacday inay dukaan ka furteen meesha lagu magacaabo Biskaya oo dhawr kiilomitir u jirta xad-beenaadka oo ku taal xeebta.


Lasoco qeybta 3aad.......

No comments:

Post a Comment